Cali Guudlaawe Xuseen oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle

Baarlamaanka labaad ee maamulkla Hirshabeelle ayaa goor dhoweyd doortay Madaxweynihii saddexaad ee maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle, kadib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar oo hore loo saadaaliyey inuu si dhib yar ugu soo bixi doono.

Sida Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ku dhawaaqay Natiijadii doorashada waxaa cod aqbaliyad ah ku guuleysay Cali Guudlaawe, iyadoo dhammaan codadkii la dhibtay uu helay Cali Guudlaawe, marka laga reebo cadad yar.

Musharax Cali Guudlaawe Xueen ayaa helay: 86 Cod

Halka Musharax Cabdiraxmaan Cusmaan Jimcaale u helay: 13

Ma jirin xiiso iyo xamaasad gaar ah oo ay leedahayd doorashadan, waxayne doorashadu ahayd mid la sii ogaa cidda kusoo baxeysa, taasoo ay kasoo shaqeeyeen siad dadka qaar aan kasoo xiganay Madaxwtooyada Soomaaliya.