Cali Guudlaawe oo eedeyn kulul u jeediyey beesha caalamka baaqna daba dhigay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo warbaahinta la hadlay, ayaa u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb-qaadatay habsami u socodka doorashadii uu ku guulaystay.

Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle ayaa mahadcelin kadib beesha caalamka ku edeeyey in wax kaalin ah aysan ka qaadan doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar ee dhawaan isaga loogu doortay madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona maamulkaas.

Waxa uu sheegay in maamul goboleedyada dalka ka jira dhismahooda ay ka qeyb qadan jirtay beesha calaamka, balse wax door ah aysan ka qaadan dhismihii mamulkaan cusub ee Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe ayaa xusay in muhiimada koowaad maamulkiisa uu kasiin doono dhallinyarada wax baratay, si looga faa’ideysto aqoontooda oo degaannada Hirshabeelle hormar loo gaarsiiyo.

Cali Guudlawe ayaa yiir “Qof walba fikirkeeda iyo taladeeda waan tixgelin doonaa, gaar ahaan dhallinyarada waxbaratay, waxaa idiin baahan dadkiina, waxaa idiin baahan deegaankiina, annaguna waan idin soo dhaweyneynaa, wixii talo ah oo aad noo soo jeedisaan waan qaada doonaa, dadkiina iyo dalkiina ayaad wax u barateen”.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Hirshabeelle ka codsaday in ay la shaqeeyaan maamulka cusub si dhammaan deegaannada Hirshabeelle ay u noqdaan kuwa dhan walba ka hormarsan oo barwaaqo iyo amni ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email