Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku hanjabay in Muqdisho aysan ka dhacayn doorasho aan lagu qanacsanayn

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxa uu war kasoo saaray arrimaha doorashooyinka Soomaliya ee la filayo in ay qabsooman 2020/2021.


Hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo la hadlay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho aysan ka dhaceyn Doorasho aan lagu wada qanacsaneyn marka la gaaro xiligii loogu tala-galay Doorashada.


Waxaa uu sheegay in qofkii doonaya inuu Xildhibaan noqdo la geenayo Xarunta Taliska hay’adda Nabadsugida si loo soo hubiyo daacadnimadiisa iyo lacag laga lagu rabo in lagu soo saaro Xildhibaanada oo taalla Xaruntaas, taas oo uu tilmaamay in laga keenay dalka Qatar.


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu siyaasiga ugu baaqay inuu kalsooni is geliyo, isla markaana uu tartan la galo Musharaxiinta kala duwan ee dooneysa xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email