Cabdikariin Xuseen Guuleed oo caawa fiidkii hoygiisa ku booqday guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi

Guddoomiyaha xisbiga Sahan mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa hoygiisa caawa fiidkii ku booqday guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xaaladda dalka uu marayo, sida loo heli karo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwa lagu soo xulo hannaan lagu wada qanacsanyahay.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa dhinaciisa sheegay in loo baahanyay talo, wadahadal, isu tanaasul iyo heshiis loo dhan yahay si loo helo xasillooni hore loogu socdo.

Guddoomiyaha Xisbiga Sahan Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhinaciisa sheegay in muhiim ay tahay helidda xal waara oo degdeg ah oo ay gaaraan saamileyda siyaasadda si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsanyahay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email