Cabdi Xaashi oo warqad uu kaga Cabanayo Villa Soomaaliya, xukuumadda iyo NISA u diray beesha caalamka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Warqad uu kaga cabanayo madaxtooyadda Soomaaliya u diray Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Amb, James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb, Francisco Madera.

Qoraalka Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in xilligaan wadanka uu ku jiro waqti kala guur ah oo la aadayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal si ay xor iyo xalaal ugu dhacaan, uuna ka digayo in doorashooyinka Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi ay faragelin ku sameeyaan Madaxweyne Farmaajo & Taliyaha Hay’adda Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Maanta, waxaan idiin soo gudbinayaa labadiinaba anigoo ku hadlaya af-hayeenka Aqalka sare iyo sidoo kale masuulka ugu sareeya ee laga soo doorto gobolada waqooyi ee Somaliland sidoo kale waxaan ahay xubin hoose oo ka tirsan bulshada rayidka ah ee Wadanka kana shaqeynayay muddo soddon sano ah ma aqbaleyno in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha & Taliyaha NISA in ay soo xulaan Xubnaha Guddiyada Matalaya gobolada Waqooyi ee soo xulaya Baarlamaanka ayaa lagu yiri” Qoraalka guddoomiyaha Aqalka sare.

Qoraalka Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in xilligaan wadanka uu ku jiro waqti kala guur ah oo la aadayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal si ay xor iyo xalaal ugu dhacaan, uuna ka digayo in doorashooyinka Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi ay faragelin ku sameeyaan Madaxweyne Farmaajo & Taliyaha Hay’adda Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhowr jeer oo hore soo saaray qoraalo uu kaga soo horjeeday Guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay doorashooyinka xildhibaannada gobolada Waqooyi.

Gudiyadaan ayaa waxaa si wayn u dhaliilay Hoggaamiyaasha mucaadka oo ku tilmaamay in ay yihiin saraakiil ka tirsan hay’adda Nabad sugida Soomaaliya inkastoo aysan soo bandhigin cadaymo muujinaya ka mid ahaan shaooda, hadana waxa ay ku goodiyeen in aysan ka qayb noqo doonin codaynta hadii aan wax laga badalin.

Dowlad-goboleedyadda Puntland iyo Jubbaland ayaa dhankooda soo magacaabin gudayadii ka shaqayn lahaa doorashadda taas oo u muujinaysa in ay ka caga-jiidayaan qaabka ay Xukumadda Soomaaliya u soo xushay guddiga doorashadda heer faderaal iyo kuwa goboladda waqooyi ee dalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email