Booliska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay jawaano qaad ah oo Muqdisho lagu gubay

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Maanta fagaaro ku yaalla Saldhiga degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ku gubay jaad ( qaad) farabadan oo ay sheegeen in si sharci darro ah dalka loo soo geliyay.

Goobta jaadka lagu gubay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana jaadkaas lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in, iyaga oo fulinaya Amar kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay gubeen jaad cadadkiisu ahaa 184 jawaan Madoobe oo la soo kala qabtay 17-kii iyo 20-kii Bishaan November iyo 72 Jawaan Madoobe oo jaad ah oo la soo kala qabtay 14-kii & 17-kii Novembar.

Guud ahaan 256 jawaan madoobe ah ayuu sheegay Afhayeenka inay Maanta ku gubeen fagaaro ku yaalla Saldhiga degmada Dharkeenleey, jaadkaas oo uu sheegay in dalka la soo geliyay, iyada oo aan weli xayiraadii COVID-19 aan weli laga qaadin sidoo kale xarumaha furdooyinka ee sharciga ah uusan soo maran.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali waxaa uu sheegay in ay hayaan oo ay xayiraad saareen Lix gaadiid ah iyo Shan doomood oo qaadka lagu keenay, kuwaas oo uu sheegay in sifo sharci darro ah ay u keeneen, waxaaa uu digniin u diray ganacsatada jaadka keena Magaalada Muqdisho.

Halkan Hoose ka daawo qaabkii loo gubyay qaadka: https://www.facebook.com/228602043895876/posts/3542724662483581/

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email