Biden oo ku horreeya Pennsylvania, muxuu gobolkaas muhiim u yahay?

Maanta indhaha caalamku waxay ku jeedeen gobolka caado ahaan casaanka ah ee Georgia halkaas oo Biden uu hogaanka u qabtay.

Daqiiqadihii la soo dhaafay, musharrax Joe Biden ayaa mar kale ku hormaray codadka laga tiriyay gobolka Pennsylvania, isagoo boqolaal cod ku hogaaminaya Donald Trump.


Afarta gobol ee go’aamisa doorashada madaxweynaha Mareykanka ayaa kala ah Georgia, Arizona, Pennsylvania iyo Nevada.

Haddaba Biden wuxuu kusii siqayaa Georgia iyo Pennsylvania wuxuuna hoggaaminayaa Nevada – laakiin Madaxweyne Trump ayaa weli ku xoogan Arizona.

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ayaa afka u dhigtay gobolo badan oo uu ku xooganaa xisbiga madaxweynaha Tramp.

Biden ayaa iminka war hadda soo baxay sheegayaa in uu la wareegay hogaanka gobolka loolanka ugu adag uu ku dhex maray labadan masharax ee Pennsylvania, iyadoona weli ay socoto waraaqaha boostada lagu tirinayo – hadduu Biden sii haayo hogaanka, wuxuu noqon doonaa Madaxweynaha rasmiga ee dalka Mareykanka.

Ololaha Trump wuxuu ku sii xoogaysanayay Arizona, laakiin wax micno ah ma sameyn doonto haddii Biden uu sii heysto hoggaanka gobolka muhiimka ee Pennsylvania.

Trump ayaa isla maanta lumiyay codadkii uu ku hogaaminayay gobolka kale ee muhiimka ah ee Georgia.

Madaxweynaha soo socda ee Mareykanka wuxuu ku tiirsan yahay codadka afar gobol oo lagu dagaallamayo halkaas oo inta badan tirinta codadka la tiriyey, laakiin tartanka ayaa weli ah mid aad isugu dhow.

Musharaxa ayaa u baahan inuu helo 270 codadka doorashada ee loo yaqaan electoral college si uu u guuleysto, iyada oo gobol kasta la siiyo tiro cayiman oo cod ah oo ku saleysan tirinta hadda jirta, Biden wuxuu iminka heystaa 253 halka Trump uu isna heysto 214.

Natiijada rasmiga ah ayaan la hubin xilliga ay soo bixi doonto.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email