Barlamaanka dalka Rwanda oo ansixiyay in diyaaradda Rwandair ay tagi karto Soomaaliya

Baarlaaanka dalka Rwanda ayaa ansixiyay heshiis ay diyaaradda Rwandair ugu duuleyso shan dal oo soomaaliya ay ku jirto.

Waaxda duulimaadka Rwanda ayaa sheegtay in qorshahan uu sare u qaadi doona shaqada shirkada diyaaradda oo uu habacsanaan ku keenay xanuunka karoona.

Wadamada ay heshiiska la gashay Rwanda o ay diyaaradeeda duulimaadka ka bilaabeyso ayaa kala ah Brazil, Democratic Republic of Congo, Namibia, Somalia iyo Tunisia.

Arintan ayaa balaarineysa duulimaadka Rwandair waxayna ka dhigeysaa 52 dal.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email