Baarlamaanka Hirshabeelle oo doortay guddoomiye cusub iyo ku xigeenadiisa

Waxaa goordhow soo idlaatay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyadoo Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha cusub ayaa helay 77 cod halka musharixiin la tartamayay Maxamed Maxamuud Goodir uu helay 21 cod guud ahaan marka la eego xildhibaannadii codadka dhiibatay oo ahaa 99 mudane iyadoo hal codna la sheegay in uu xumaaday.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya ee Sudan

Dhinaca kale waxaa noqday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabelle Siraaji Sheekh Isxaaq kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay xildhibaan Saadaq Salaad Warsame, waxaa uuna helay 99 cod.

Dhinaca kale Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan ayaa kusoo baxay xilka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, isagoo la tartamay Xildhibaan Canab Axmed Ciise oo hore u ahayd guddoomiye ku xigeenkii labaad ee hore.

Doorashada sida degdega ah ku dhacday ee baarlamaanka Hirshabeelle ayuu sheegay in Madaxweynihii maamulkaasi ee is-casilay in ujeedkeedu yahay inay dowlada Federaalka ay ku dagaalanto xildhibaannada labada Gole lagu soo dooranayo Hirshabeelle.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email