Armenia oo heshiis xanuun badan oo dani ku qasabtay la gashay Azerbaijan

Armenia, Azerbaijan iyo Russia ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo iska hor imaadkii millateri ee ka dhashay dhulkii lagu muransanaa ee Nagorno-Karabakh, iyadoona Armenia ugu dambeyn ogolaatay in ay ka baxdo dhulkii ay ka heysatay Azerbaijan.

Ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan wuxuu heshiiska ugu yeedhay heshiis “Aad ugu xanuun badan aniga iyo dadkeenaba”.

Heshiiska culus yaaa yimid kadib lix todobaad oo dagaal uu u dhaxeeyay Azerbaijan iyo qowmiyado Armeniyaan ah.

Gobolkan waxaa caalami ahaan looga aqoonsan yahay Azerbaijani, laakiin waxaa maamulayay qowmiyadaha Armenia ilaa 1994.

Sannadkaas, dagaalka ayaa joogsamay laakiin heshiis nabadeed lama saxiixin.

Tiro heshiisyo xabad joojin ah ayaa la dhexdhexaadiyay tan iyo markii uu dagaalku dib u qarxay bishii Sebtember, laakiin dhammaantood way fashilmeen.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email