Al Shabaab oo weerar qarax ku bilaawday ku qaaday degaanka Bacaadweyne

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku bilaawday qaraxyo waxaa ay ku qaadeen Saldhigyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Bacaadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus oo saaka Waaberigii soo gaaray uu ka dhacay degaanka Bacaadweyne, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada qeybta 21-aad & Al-Shabaab, waxaana la sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka.

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in isgaarsiinta degaanka Bacaadweyne ay hawada ka saareen Al-Shabaab oo Gudaha u galay degaanka Bacaadweyne, welina laga maqlayo Gudaha degaanka rasaas xoogan.

Al-Shabaab ayaa Baraha Internet-ka ku baahiyay inay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug, sidoo kale ay dagaalka ku qabsadeen illaa 5 gaari oo nuuca dagaalka ah.

Saraakiisha Ciidamada qeybta 21aad iyo Madaxda Maamulka Galmudug weli kama hadlin dagaalka ka dhacay degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo horay dagaalo uga dhaceen.

Xorriya Online