Abiy Axmed oo shaaciyay in ay ciidamadiisu soo gabagabeeyeen howlgalkii milatari ee TPLF

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in ay ciidamadiisu soo gabagabeeyeen howlgalkii milatari guulna uu ku soo dhanaaday.

Abiy ayaa sheegay in la joogo xilligii dib u dhiska lagu samayn lahaa wixii ku burburay dagaalka sidoo kalena dib deegaannadooda loogu soo celin lahaa dadkii ka qaxay.

Waxaa haatan ina hortaalla howl culus, dib u dhiska wixii nooga burburay dagaalka iyo dib u soo celinta muwaadiniinta ka cararay dirirta ayaa ina sugaysa”. ayuu yidhi mudane Abiy.

Hadalka ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa yimi kaddib markii ay ciidamadiisu gacanta ku dhigeen magaalada Maqale ee xarunta u ah gobolka Tigray oo ay muddo bil ku dhawaad ah ku dagaalamayeen.

TPLF oo haatan u muuqata mid looga adkaaday dagaalka ayaa iyana sheegtay in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada dowladda.

Dowladda Itooobiya ayaa sheegtay inay ku raadjoogto hogaamiyayaashii TPLF, maalin uun ka dib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay la wareegtay magaalada madaxda Tigrey ee Maqale.

Lama oga ilaa iyo iminka halka uu ku sugan yahay hogaamiyihii gobolka Tigrey, Debretsion Gebremichael.

Debretsion ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhaqdhaqaaqa TPLF ay sii wadi doonaan dagaalka.

Hogaamiyaha Tigray Debretsion ayaa sheegay inay caddowga kusoo duulay la dagaalami doonaan ilaa qofka ugu danbeeya, kadib markii ay ciidamada Itoobiya qabsadeen caasimadda Gobolka Tigray ee Maqale.

TPLF ayaa dalka Eretrea ku eedeysay in uu ku lug lahaa dagaalka oo ay gacan siinaysay ciidamada Itoobiya ee gulufka Milatari ka waday deegaanka Tigray.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email