Abiy Axmed oo eryey wasiirkiisii arrimaha dibadda & taliyeyaal katirsan ciidanka

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shaqada ka eryay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka, Taliyaha guud ee Ciidamadda, iyo taliyaha booliska federaalka, sidda ay warisay EBC.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in Demeke Mekonnen loo magacaabay Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dibadda, isagoo bedelaya Gedu Andargachew oo xilkaas hayey tan iyo April 2019.

Taliyaha guud ee ciidamadda qalabka sidda ee Itoobiya ayaa, sidda ku cad wareegtan ku taariikheysan 8-da bishaan November, sanadka 2020, laga dhigay Jeneraal Berhanu Jula.

Gaashaanle Dhexe Ababaw Tadesse ayaa waxaa la sheegay in uu loo magacaabay in uu noqdo taliye ku xigeenka cusub ee ciidamadda difaaca Itoobiya kuwaasoo magacooda loosoo gaabiyo ENDF.

Agaasimaha Hay’adda awooda badan ee qaabilsan arrimaha Mukhaabaraadka Qaranka Itoobiya iyo Arrimaha guud ee Ammaanka ayaa waxaa la xaqiijiyey in loo magacaabay Temesgen Tiruneh.

Demelash G. Michael ayaa dhankiisa waxaa laga dhigay Taliyaha Booliska Federaalka, halka Gedu Andargachew loo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Isbedeladan ayaa yimid xilli waqoyga Itoobiya uu ka socdo dagaal u dhaxeeya maamulka Abiy iyo ismaamulka Tigreeyga. Iskudhacaan waa natiijada is-qabqabsi siyaasadeed oo xuduntiisu tahay doorasho iyo awood qeybsi.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email