51 sano kadib in ka badan 100 xisbi oo si kumeel gaar ah u diiwaan gashan tan iyo…

Xafiiska Diiwaan galinta Xisbiyadda Siyaasadda ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa Sadexdii sano ee la soo dhaafay waxa uu si KMG ah u diiwaangeliyey 106 xisbi siyaasadeed ka dib 51 sano oo laga joogo markii lalaay nidaamka Xisbiyada badan ee Soomaaliya.

29 May 2017, ayaa Markii ugu horreysay waxaa magaalada Muqdisho laga hirgaliyay Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya, Xafiiskaan waxaa shaqadiisu waXa ay tahay inuu dalka gaarsiiyo nidaamka aXsaabta oo uu ka saaro kan hadda jira ee awood-qeybsiga beelaha ee ku salaysan qaabka 4.5.

Waxaana Xusid mudan in Xisbiyada sida KMG ah loo diiwaangeliyey ay Xaq u leeyihiin in ay kulamo ay isku abaabulayaan sidii ay ku gaari lahaayeen diiwaangelin dhamaystiran oo ay noqo lahaayeen Xisbiyo rasmi ah oo ka diiwaangashan.

Halkaan ka aqri xisbiyadda siyaasadda ee sida KMG ah u diiwaan gashan.

  1. Xisbiga Garsoor
  2. Xisbiga Midnimada iyo Demoqoraadiyadda
  3. Xisbiga Ummadda Soomaaliyeed
  4. Xisbiga Qaranka ee Dimuqraadiga
  5. Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed
  6. Xisbiga horumarinta
  7. Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed
  8. Xisbiga sinaanta ammaanka iyo midnimo u ololeynta
  9. Xisbiga caddaaladda & midnimada
  10. Xisbiga Wadajir
  11. Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka
  12. Xisbiga Caddaaladda iyo Badbaadada
  13. Xisbiga Shakhsiyadda & Waddaniyadda Soomaaliyeed
  14. Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
  15. Xisbiga Xal-qaran
  16. Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed
  17. Xisbiga Xoriyadda
  18. Xisbiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed
  19. Xisbiga Midnimo-Qaran
  20. Xisbiga Dalka iyo Dadka
  21. Xisbiga Isbaheysiga Isbaddeldoonka Soomaaliyeed
  22. Xisbiga Ilays
  23. Xisbiga cadaaladda & horumarka
  24. Xisbiga Jiinka iyo Xeebaha
  25. Xisbiga Sinnaanta Midnimada Nabadda
  26. Xisbiga Qiimo Qaran
  27. Xisbiga Hormarinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed
  28. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka
  29. Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed
  30. Xisbiga Nabadda
  31. Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed
  32. Xisbiga Himilo Qaran
  33. Xisbiga Samadoon
  34. Xisbiga Daldhis
  35. Xisbiga U hiili Dadkaaga
  36. Xisbiga Midowga Qaranka Soomaaliyeed
  37. Xisbiga Siyaasadda Dhalinyarada Soomaaliyeed
  38. Xisbiga Aayaha Shacabka Soomaaliyeed
  39. Xisbiga Isbahaysiga Soomaaliyeed
  40. Xisbiga Kulan
  41. Xisbiga Horusocod Qaran
  42. Xisbiga Midnimada Soomaaliyeed
  43. Xisbiga dowlad Wanaag
  44. Xisbiga nabada Dimoqraadiyada iyo Midnimada
  45. Xisbiga Dhalinyarada Qaranka
  46. Xisbiga Haldoor
  47. Xisbiga Isbahaysiga Qaranka Soomaaliyeed
  48. Xisbiga Awoodda Shacabka
  49. Xisbiga Nabadda iyo Cadaaladda
  50. Xisbiga Daryeel Qaran
  51. Xisbiga Gurmad
  52. Xisbiga Han iyo Hannaan Qaran
  53. Xisbiga Rajo Soo Celinta Somaaliyeed
  54. Xisbiga Tala Wadaag
  55. Xisbiga Golaha Dimuqraadiyada Qaran
  56. Xisbiga Badbaadada Shacabka Soomaaliyeed
  57. Xisbiga Waddaniga Soomaaliyeed
  58. Xisbiga Horu-socodka Shaqaalaha Somaaliyeed
  59. Xisbiga Qaran
  60. Xisbiga Dhaqaaqa Soomaliyeed
  61. Xisbiga sanu
  62. Xisbiga Midnimada Shacabka
  63. Xisbiga Hogaan Qaran
  64. Xisbiga Isbhaysiga Cadaalada iyo Sinaanta
  65. Xisbiga Samatabixinta Ummadda Soomaaliyeed
  66. Xisbiga Cadaalada iyo dib U dhiska Soomaliyeed
  67. Xisbiga Wadatashi Qaran
  68. Xisbiga Horseed
  69. Xisbiga Midnimada Maan deeq
  70. Xisbiga Hormarinta Amniga iyo Dimuqraadiyada
  71. Xisbiga Midnimada Ummadda Soomaaliyeed
  72. Xisbiga Dimuqraadiga Dugaal
  73. Xisbiga Horyaal Qaran
  74. Xisbiga Hilaac
  75. Xisbiga Hiigsi Qaran
  76. Xisbiga Caddaaladda Bulshada
  77. Xisbiga maandeeq
  78. Xisbiga Tubta Toosan
  79. Xisbiga Hiil Qaran
  80. Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Danwadaag
  81. Xisbiga Danaha Bulshada Soomaaliyeed
  82. Xisbiga Hilow
  83. Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka
  84. Xisbiga Cadaalada Hormarinta Dimuqraadiyadda iyo Isqadarinta
  85. Xisbiga bulshada dimoqaraadiga soomaaliyeed
  86. Xisbiga Soomaalinimo
  87. Xisbiga Badbaado Qaran
  88. Xisbiga Tubta Horumarka iyo Nabada
  89. Xisbiga Nolosha & Cadaaladda
  90. Xisbiga Malaalaha Midoobay
  91. Xisbiga Wadaniga ee Israac
  92. Xisbiga Isbedelka Dimoqraadiga ah
  93. Xisbiga hayaan
  94. Xisbiga Dhulka Hooyo
  95. Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed
  96. Xisbiga Siyaasadeedka Hogaanshe
  97. Xisbiga Astaan Qaran
  98. Xisbiga dib u Heshiisiinta iyo Horumarinta
  99. Xisbiga Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka Soomaaliyeed
  100. Xisbiga Runta iyo Caddaaladda
  101. Xisbiga Amniga Iyo Cadaalaadda
  102. Xisbiga Qaransoor
  103. Xisbiga Cadaaladda Iyo Dib-U-Heshiisiinta
  104. Xisbiga Jamhuuriga Soomaaliyeed
  105. Xisbiga Cagaaran Ee Soomaliyeed
  106. Xisbiga Nabadda Iyo Midnimada

Maxay yihiin shuruudaha Isdiiwaangalinta Xisbiyadda Siyaasadda Soomaaliya?.

Diiwaangalinta Xisbiyada wuxuu sharciga u qaybinayaa labo heer oo kala ah:-

● Diiwaangalinta kumeel-gaarka ah
● Diiwaangalinta Rasmiga ah
Diiwaangalinta Kumeelgaarka ah

Sharciga xisbiyada siyaasadda ee 2016 Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sharci No. 19, qodobkiisa 5aad waxaa uu qorayaa shuruudaha diiwaangalinta kumeelgaarka ah.
Codsiga diiwaangelinta kumeel-gaarka ah ee xisbi siyaasadeed waa in ay ka muuqdaan arrimaha soo socda:
Maxdar qoraalka kulankii ugu horeeyay oo ay yeesheen xubnaha xisbiga asaasay oo saxiixan;
Magaca xisbiga siyaasadeed oo buuxa iyo isagoo lasoo gaabiyay haddii uu codsado xisbigu.
Lifaaq nuqul dastuurka xisbiga siyaasadeed sida ku xusan qeybta 9aad ee sharcigan;
Ballanqaad sugaya dhowrista iyo ku-dhaqanka sharcigan iyo habdhaqanka lagu xusay jadwalka koowaad ee isla sharcigan.
Qoraal caddeynaya habka xisbigu u xallinayo khilaafaadkiisa gudaha oo la waafajiyay jadwalka 8aad ee sharcigan.
Khidmada diiwaangelinta kumeel-gaarka ah oo ah lacag ah 10 malyan ShSo. Oo u dhiganta shan boqol ($500).
Codsi ku qoran warqad leh astaanta rasmiga ee xisbiga.

Haddii diiwaangeliyihu arko in aan shuruuduhu buuxin wuxuu xisbiga qoraal ku siinayaa shan iyo toban maalmood (15) oo ka bilaabaneysa maalinta uu codsiga soo gudbiyo si ay u soo buuxiyaan shuruudaha ka dhiman.

Shahaadada Diiwaangelinta kumeel-gaarka ah waxaa codsadayaasha lagu siinayaa 30 maalmood gudahood haddii ay soo buuxiyaan shuruudaha sare ku xusan ee sharcigan.

Shuruudaha Diiwaangalinta Rasmiga ah

▪︎Xisbi si kumeelgaar ah loo diiwaangaliyay ayaa wuxuu soo codsankaraa diiwaangalin rasmi ah.
▪︎Sharciga xisbiyada siyaasadda ee 2016 Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sharci No. 19, qodobkiisa 6aad waxaa uu qorayaa shuruudaha diiwaangalinta rasmiga ah.
▪︎Codsiga diiwaangelinta rasmiga ah ee xisbiga waa inuu ahaadaa qoraal uu saxiixay guddoomiyaha xisbiga ama cidda uu u wakiisho.
Xisbi siyaasadeed si kumeel-gaar ah loo diiwaangeliyay, waxaa si rasmi ah loo diiwaangalin karaa markii: –

Tirada xubnaha saxiixayaashiisa dhan yihiin ugu yaraan toban kun qof (10,000) oo codbixiyeyaal ah kana diiwaangashan ugu yaraan sagaal ka mid ah 18kii gobol ee horay u jiray 1991-kii, taas oo waafaqsan qodobka 49aad, faq (1) ee dastuurka kumeel-gaar ah.

Xubnaha lagu sheegay faq (a) ee qodobkan waa in ay ka muuqdaan gobollada, beelaha, isu dheellitirnaanta jinsiga, matalaada dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha la hayb sooco.

Golaha fulinta ee xisbiga waa in ay ka muuqataa isku dheellitirnaanta gobollada, beelaha, jinsiga, dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha la hayb sooco si waafaqsan qodobka 11-aad ee dastuurka federaalka ah iyo Qodobka 4 (2) ee sharcigaan.

Waa in la muujiyaa in xubnaha golaha fulinta in ay buuxiyeen mid la mid ah shuruudaha ku xusan qodobka 58 ee dastuurka kumeel-gaarka.

Xisbiga siyaasadeed ama ururrada waa in aanay noqon kuwa ka soo horjeeda shareecada islaamka, sidoo kale waa inaysan adeegsan ereyo gaf iyo xadgudub ku ah xisbiyada kale iyo maammulladooda.

Waa in uu u soo gudbiyaa xafiiska madaxa bannaan ee diiwaangeliyaha: – Magacyada, cinwaannada, calaamaddaha gaarka ah ee qof lagu aqoonsan karo iyo xilliga xubin kasta ka mid noqotay xisbiga, Meesha ay ku yaallaan xafiiska dhexe iyo laamaha xisbiga, cinwaannadooda, talefoonnadooda iyo emaillada- lagala xiriiri karo, Baaqa guud iyo dastuurka xisbiga oo waafaqsan jadwallada 3 iyo 4 iyo xeer hoosaadka doorashooyinka iyo magacaabista xisbiga dhexdiisa.

Waa in ay leeyihiin nidaam dhammaystiran, faahfaahsan oo ay ku xalliyaan khilaafka xisbiga iyagoo tixraacaya kuna dhaqmaya jadwalka 8-aad ee sharcigan iyo xeerarka u degsan xisbiga gudihiisa.

Waa Inuu bixiyo khidmadda diiwaangelinta lacag dhan 20 malyan oo ShSo oo u dhiganta kun ($1000) oo uu qabtay xafiiska diiwaangeliyaha.

Qof aan ahayn muwaaddin Soomaaliyeed xubin kama noqon karo xilna kama qaban karo xisbi siyaasadeed oo Soomaali ah.

Xisbiga buuxiya shuruudaha diiwaangelinta ee ku xusan faqradda 2-aad ee sharcigan 30 maalmood gudahood, diiwaangeliyuhu wuxuu ku siinayaa shahaado diiwaangelin rasmi ah, waxaana meesha ka baxeysa shahaadadii kumeel-gaarka aheyd ee hore loo siiyay.

19-Sharciga-Axsaabta-Siyaasadda-Dalka-2

Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Isha: Mustaqbal