ᴅᴏᴏʀᴀsʜᴀᴅᴀ ᴅᴀʟᴋᴀ ᴍᴀʀᴇʏᴋᴀɴᴋᴀ ᴏᴏ sɪ ᴛᴏᴏs ᴀʜ ᴜ ʙɪʟᴀᴀʙᴀɴᴇʏsᴀ

Maanta waxaa loo dareeri doonaa doorashada dalka mareykanka, inkastoo codadka dadweynaha intooda badan la dhiibtay haddana codadka elaktarooniga ah ayaa dhiman kuwaas oo ah 538 cod guud ahaan gobolada dalka Mareykanka.

Jeo Biden iyo xaaskiisa Jill Jacobs waxa ay bilaabayaan codad raadin iyo ku qancin dadka taageersan lagu qanciyo in ay xisbiga si wanaagsan ugu codeeyaan.

Waxayna inta badan joogi doonaan gobolada muhiimka u ah doorashadooda.

Dhanka kale Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melina Trump ay iyaguna taageerayaashooda dhex codad ka raadsan doona si ay mar 2-aad xafiiska usoo fadhiistaan.

In kabadan 94 milyan oo Mareykan ah ayaa horey ugu codeeyay boostada ama qof ahaan codbixinta hore, taas oo ka dhigan boqolkiiba 68.4 wadarta guud ee codbixinta 2016.

Trump wuxuu qaban doonaa shan isku soo bax oo afar gobol ayuu isha ku hayndoonaa, kuwaas oo kala ah North Carolina, Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin.

Biden waxaa uu olalihiisa xooga ku saari doonaa Pennsylvania iyo Ohio.

Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence iyo ku xigeenka Biden Kamala Harris ayaa iyaguna maalintaa ku qaadan doona Pennsylvania.

Marwada koowaad Melania Trump ayaa ka ololeyn doonta North Carolina halka Biden xaaskiisa Jill ay joogto Pennsylvania.

Madaxweynihii hore Barack Obama ayaa sidoo kale maanta u duuli doona magaalooyinka Georgia iyo Florida.

20-ka cod ee yaala gobolka Pennsylvania waxaa la leeyahay waa tabartaada yay ku ciilin oo labada xisbiba midna ma rajeynayo in uu haysto aqlabiyadda codadka gobolkan. Balse doorashadii hore waxaa ku guuleystay Donald J. Trump.

Hadda Trump waxa uu dhibco hoose ka keenay gobolada Michigan iyo Wisconsin.

Codbixinnadii ugu dambeeyay ee ka dhacday Pennsylvania waxay muujinayeen Biden inuu hoggaaminayay.

Meelaha sida aadka ah loogu tartamayo waxaa ka mid noqon doona gobolada Arizona, Florida, Georgia, Iowa, North Carolina, iyo Ohio.

Haweenka Mareykanka dagan ayaa codeynaya tan iyo 1980 kii in ka badan raga dalka mareykanka dagan.

Magangalyo doonka ku xayiran bartamaha iyo koonfurta qaaradan ameerika ayaa daawan doona doorashadan ayaga oo rajeynaya in Jeo Biden uu soo baxo.

Mujtamaca Soomaalida ah ayaa si wayn ula socda dhaqdhaqaaqa doorashada mareykanka, waxayna intooda xayiraada laga saaran usoo duulida iyo soo galida mareykanka rajeynayaan in madaxweyne Donald Trump laga adkaado. Trump waa ninkii Soomaaliya ku daray Dalalka ka mamnuuca ah in ay dalka Mareykanka dadkoodu soo galaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email