Yaa sugaya amniga ergooyinka doorashada Soomaaliya?

Dhawaan madaxda Soomaalida waxay ku heshiiyeen in marka kale dalka ay ka dhacdo doorasho dadban taasoo ka dhigan in ergooyiin la soo xulay ay dooran doonaan xildhibaannada barlamaanka.

Halkii kursiba, musharrixiinta ku tartameysa waxaa u codeyn doona 101 qof, waxayna ka dhigan tahay in tirada guud ee codeynaysa ay gaareyso 27,775 Ergo.

Doorashadii dhacday sannadkii 2016, waxa kursigiiba u codeeyay 51 ergo, waxayna tirada guud gaareysay 14,025 oo qof.

Tobannaan ka mid ah ergooyinkii codeeyay doorashadaas ayaa lagu dilay magaalooyin kala duwan afartii sanno ee la soo dhaafay, kuwa badan oo ka mid ahna wadanka way ka carareen, halka boqollaal kale ay markii dambe cafis weydiisteen ururka Al-Shabaab si ay uga nabad galaan ugana badbaadaan dil.

Damaanadda dhanka amniga ergada

Dad badan ayaa is weydiinaya cidda damaanad qaadaysa amniga ergooyinka wax dooran doona iyo nabadoonnada ergooyinka soo xuli doona ee doorashada hadda la filayo, kuwaas oo tiro ahaan ka badan kuwii 2016.

Nabadoon Maxamad Xasan Xaad oo ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka ayaa rumeysan in la dayacay amniga ergooyinkii wax doortay sannadkii 2016-kii, taas oo ay ahayd in dawladdu masuuliyad gaar ah iska saarto.

Balse booliska Soomaaliya oo u xil saaran amniga guud ee doorashooyinka ayaa ku adkeysanaya in ay diyaar u yihiin inay ilaaiyaan amniga cid kasta oo ku lug yeelan doonta doorashada soo socota.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Sidiiq Aden Cali oo wareysi arimahan la xiriira siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in uu socdo qorshe ballaaran oo dhinaca amniga ah oo ku aadan doorashada iyo dadka ka qaybgalaya.

Isha: Bbc