Xusuusta qaraxii Zoobe ee 14-kii October 2017

Maanta 3 sano ayaa laga joogaa markii uu dhacay qaraxii Zoobe ee sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo weynta dad lagu tiriyay liiska geerida balse aan la helin raqdooda.

Qaraxa ayaa dhacay xili uu isgoysku aad mashquul u ahaa, gawaarida ayaa isku xirantay, dadka ayaa lugeynayay waddada, goobaha ganacsiga waa ay furnaayeen, dadku waxa ay ku kala mashquulsanayeen danahooda gaarka ah.

Muqdisho xiligaas kuma cusbeen qaraxyada, balse waa uu ka jug weynaa kuwii dhici jiray, durba qof waliba oo dadkiisa waayay, ayaa gaaray isgoyska Zoobe oo ah halka mashaqadu ay ka dhacday.

Dadka ayaa is dul daadsanaa, qaarkood ayaa gubanayay, goobaha ganacsiga ayaa burburay, laamiga ayaa go’ay waxaana isbadalay muuqaalka guud oo waxyar ka hor qaraxa jawi is dhex socod uu jiray.

DFS ayaa magacawday gudigii gurmadka qaraxii Zoobe ayaa bilaabay diiwaangelinta magacyada dadka la raadinayo ee lagu tuhmay in ay ku dhinteen goobta qaraxa uu ka dhacay ama la geeyay goobaha caafimaadka.

Dowlado kala duwan ayaa Muqdisho usoo diray dhaqaatiir, agab Caafimaad iyo diyaarado lagu qaado shaqsiyaadka aan dalka xaaladdooda wax looga qaban Karin.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email