
Maanta oo kale 12 oktober sanad walba waxaa gayiga soomaaliya laga xusaa maalinta calanka soomaaliyeed, waana astaanta keliyah ee leesku raacay min raas-caseyr ilaa iyo raas kambooni.
Sanad guuradaan oo ku beegan sanad guuradii 66-aad ayaa ah maalin ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed, waa maalintii la go’aamiyay nooca uu noqonayo calanka Soomaaliya.
12-kii Oktober 1954-kii ayaa waxaa calankaan hal abuuray Ilaahay ha u naxriistee Maxamed Cawaale Liibaan. Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan, kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali midaysan.