Xuska Maalinta Caafimaadka Dhimirka Adduunka

10-ka Oktoobar waa mid kamid ah maalmaha loo goonida yeelay munaasabadaha sanad waliba la maamuuso oo ay diiwaangelisay Qaramada midoobay si lamid ah maalmaha badan ee ku jira Bilaha sanadka.!

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaliyeed in la garab istaago dadka nugul ee qaba xanuunka dhimirka.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorrinayay dadka Soomaaliyeed in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo dadkeenna la nool xanuunnada dhimirka.

Bilawga maalintaan waa sanadkii 1992-dii, waxaana saxiixay oo u codeeyay 150 waddan oo caalamka ah si loo maamuso sanad waliba marka la gaaro 10-ka Oktoobar “Maalinta Caafimaadka Dhimirka Adduunka!”.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo si gaar ah uga shaqeeya daryeelka qeyb ka mid ah bulshadeenna oo aad ula ildaran xanuunkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala sheekeystay, ugana mahadceliyay howsha adag ee uu hayo ummadda Soomaaliyeed.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa sheegtay in dhaqaale badan ay ku bixineyso wax ka qabashada dhibaatooyinka dhanka Dhimirka ah si loo helo xirfado furfuri kara maskaxda qofka.

Ugu dambeyn Qubarada Caafimaadka ee ka hadashay maalintaan ayaa soo jeediyay in wax laga qabto xannuunka Dhimirka oo aad u kordha xiliyada ay jiraan dhibaatooyinka Dabiiciga ah & Kuwa aadanaha uu sababta u yahay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email