Xildhibaan kamid ah golaha wakiilada Somaliland oo maanta geeriyooday

Xidhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel  oo ka tirsanaa xidhbaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa  caasimada maamulka Somaliland.

Masuuliyiin ka tirsan madaxda maamulka Somaliland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Somalialand Mudane Muse Biixi Cabdi,Xidhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid xildhibaankan.

Alaha unaxariistee xildhibaan Cabdikariin Aw Cali ayaa waxaa la sheegay in seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa, iyadoona ugu dambeyn maanta uu geeriyooday.