
Muddo xileedka 4-ta sano ee Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare & Cali-Guudlaawe Xuseen ayaa idlaatay 17-kii bishaan Oktoobar 2020 oo ku beegneed shalay oo Sabti ahayd.
Inkasta oo uu Waare bedalay Madaxweynihii hore ee maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble, balse waxa uu dhameystire u ahaa muddo xileedka ka harsan waqtiga dastuuriga ah ee lagu simay awoodda xilheynta hay’adaha kala duwan ee maamulkaas.
Qorshuhu waxa uu ahaa in la qabto doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle kahor inta aysan idlaan muddo xileedka Maxamed Cabdi Waare & Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Dhismaha maamulka Hir-Shabeelle ayaa ka kooban Gobollada Shabeelaha Dhexe & Hiiraan, kaliya dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed waxa uu ka socdaa Magaalada Jowhar, waana tan keentay in uu muuqdo hamiga Cali Guudlaawe Xuseen oo ku rajo weyn in uu u tartamo xilka Madaxweynaha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle Sheekh Barre Maxamed ayaa dhawaan sheegay in muddo xileedka laanta Xeer dejinta uu dhamaaday 9-kii Bishaan, awood dastuuri ayuu tilmaamay in uu kusii shaqeynayo, maadaama marka lasoo diyaariyo Baarlamaanka badalayo ay kuraasta baneenayaan.
Dhismaha DG Hir-Shabeelle 4-sano kahor waxa uu qaatay bilooyin is jiid-jiid ah oo u dhaxeeyay Madaxda Beelaha ee Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe, inkasta oo xal laga gaaray markii dambe.
Haatan waxaa muuqda caga-jiid siyaasadeed oo dhanka soo xulista Baarlamaanka ah, isu duwidda Ergada Beelaha iyo gaarista tallaabooyinka muhiimka u ah muujinta howsha socota sida dadka qaar ay aaminsan yihiin.