Golaha Guurtida Somaliland oo si weyn u ansixiyey xeerka doorashooyinka

Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa, iyagoona uga dooday hal ajende.

kulankii Golaha Guurtida inta uu socdau ayaa waxaa looga dooday ansixinta Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland iyo diiwaan galinta cod bixiyayaasha, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa 53 xildhibaan, waxa ogolaaday 49 mudane laba Xildhibaan waa diideen hal Xildhibaana waa ka aamusay sidaasi ayuu kaga Gudbay Golaha Guurtida Somaliland.

Guddiga komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan sheegay inay socdaan howlaha diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, iyagoo xusay inay guda-galeen shaqadii doorashooyinka.

Xeerkan ayaa maanta waxaa uu  ka soo gudbay Golaha Wakiilada Soomaaliland, islamarkaana waxaa uu u gudbayaa Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si uu u saxiixo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email