Xasan Cali Kheyre iyo Sheekh Shariif oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Nairobi ‘warbixin’

Madaxweynihii hore ee dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoonaa markii uu halkaa gaaray durbadiiba kulan xasaasi ah la qaatay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo isna halkaas howlo shaqo u jooga.

Mas’uuliyiintan oo kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dalka sanadka 2021 ayaa waxaa kulankooda ku wehliyay Xildhibaano iyo xubo kale oo siyaasiyiin ah.

Ma jiro wax war ah oo ay kasoo saareen kulankooda balse wararka qaar ayaa sheegaya in laga wada hadlay arrimo la xiriira xaalada siyaasadda dalka iyo doorashooyinka.

Kheyre ayaa la sheegay inuu uga garaabay Shariifka wixii tabasho ah oo dhankiisa uu ka qabay ama dhacdooyinkii Shariifka uu la kulmay intuu xilka hayay.

Waxyaabaha ay ku heshiiyeen ayaa la sheegay iney ka mid tahay wada shaqeyn, iyadoona la sheegay in Kheyre uu uga garaabay Shariifka wixii tabasho ah oo dhankiisa uu ka qabay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email