Xaalada dalka Faransiiska oo laga deyrinayo xilli bandowga lasii xoojinaayo

Faransiiska ayaa bandowga habeennimo kusoo rogi doona magalooyiin dheraad ah si wax looga qabto faafitaanka cudurka coronavirus, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Jean Castex.

Cudurka ayaa mar labaad soo laba kaclayay” ayuu yiri ka hor inta dalkiisa uusan diiwan gelinin 41,622 kiis oo cusub.

Bandowga habeenimo ayaa waxaa uu bilaaban doona 9-ka habeenimo ilaa 6-da Aroornimo waxaa uuna dhaqangeli doona habeenki jimcaha iyadoo uu saameyn ku yeelanayo 46 malyan oo qof.

Wadamada kuyaala qaarada yurub waxay la daalaa dhacayaan heerka infekshinka oo sii kordhaya. Sida wadamada Faransiiska, Spain iyo Talyaaniga.

Bandowga habeenimo ayaa waxaa walaac ka muujiyay dadka hoteelada ka ganacsado kuwaas oo markii horeba la dhaladhacay suuq xumi kadib laba bilood oo bandhaw ah oo dalkaasi kasoo baxay.

Faransiiska waxaa uu diwaangeliyay wax ka badan 20-kun oo kiis oo cusub lixdii maalmood ee aynu soo dhaafnay halka tirada guud ee dadka cudurkaasi ku dhacayna ay hadda gaartay hal malyan oo qof.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email