Weriye Cabdullaahi Kulmiye oo goordhow la sii daayay

Sida ay baahisay idaacadii uu ka howl galaaye wariyahaan ee KNN ayaa sheegtay in goordhow uu dib u helay xoriyaddiisa weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan shaqaalaha idaacadda Kulmiye.


Idaacadaan ayaa sidoo kale sheegtay dadaal dheer oo ay sameeyeen maamulka Idaacadda Kulmiye ay ku suurta gashay in maanta weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadow uu xoriyaddiisa helo.

Weriyaha ayaa maalmihii la soo dhaafay u xirnaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weriyaha ayaa waxaa uu  u xiranaa wareysi uu ka qaaday  Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan, oo taageeray fekerka Al-Shabaab.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email