Waxaa xalay degmada Balad Xaawo iska soo dhiibay 3 dhalinyaro oo kamid ah kooxda Al Shabaab

Warar naga soo gaaraya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo oo dhacda xad beenadka Soomaaliya & Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay xalay iska soo dhiibeen seddex dhalinyaro ah oo ka tirsanaa kooxda Al Shabaab.

Labo kamid ah ragaan ayaa waxay Al Shabaab kala soo goysteen 2 qoray oo nuuca Ak47-ka loo yaqaano halka midka kale uusan wadan wax qori ah.

Magacyada ragaan isasoo dhiibay ayaa lagu kala sheegay:-

1. Maxamed Qani Shide Ibraahin waxa uu watay Qori Ak47
2. Cabdiqadir Ibraahin Cabdulaahi Qori Ak47
3.Cabdicasiis Maxamed Koosaar oo aanan wadan wax qoray ah.

Laamaha amniga degmada Balad Xaawo ayaan weli wax faahfaahin oo dheeri ah ka bixin ragaan isa soo dhiibay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email