Wax ka ogow wasiiradda xilkoodii waayay iyo kuwa ku cusub shaxda liiska Golaha Xakuumadda

Golaha wasiirada ee xalay la magacaabay waxaa ka muuqdo kuwa badan oo cusub, sidoo kale waxaa meesha ka baxay wasiirro aad caan u ahaa oo ka mid ahaa kuwii ugu firfircoonaa xukuumaddii Xasan Cali Khayre.

Haddaba warbixintaan waxaa ku eegi doonnaa wasiirradda qaar ee ku cusub xilka iyo kuwa laga tagay.

Kuwa ku cusub xilka golaha wasiirada

1. Wasiirka cadaaladda – Cabdiqaadir Maxamed Nuur

2. Wasiirka arrimaha gudaha – Janaraal Mukhtaar xuseen Afrax

3. Wasiirka amniga qaranka – Xasan Xundubeey Jimcaale

4. Wasiirka haweenka – Xanifa Maxamed Ibraahim

5. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada – Duraan Axmed Faarax

6. Wasiirka warfaafinta – Prof Cusmaan Abuukar Dubbe

7. Wasiirka waxbarshada – Cabdullahi Abuukar Xaaji

Wasiiradii meesha ka baxay ee xilalkooda waayay

Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay rai’sul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa xilalkii ay hayeen waayay 7 wasiir.

1. Cabdulahi Goodax Bare: Waxbarashada
2. Maxamed Xayir Maareeye: Warfaafinta
3. Cabdi Maxamed Sabriye: A. Gudaha
4. Marwa Deeqo Yaasiin: Haweenka
5. Maxamed Abuukar Islow: A. Amniga
6. Xasan Maxamed Amardambe: Gashaandhiga
7. Sadiiq Warfaa: Shaqada & Shaqaalaha

Xigasho: Bbc

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email