Wasiirka Beeraha Soomaaliya & guddoomiyaha gobalka Hiiran oo Muqdisho ku kulmay

Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen Arrimo la xiriira fatahaadaha soo noqnoqday ee degaannada Hir-Shabeelle gaar ahaan fatahaadaha ay kumanaanka qoys ka barakaceen ee Magaalada Beledweyne.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya & Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sigaar ah waxaa ay diirda u saareen Mashruuca biya xireenka Beledweyne, kaas oo dhismihiisa dhawaan bilaabn doono.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha xukuumadda Soomaaliya waxaa uu ka dalbaday inay xal u keento fatahaadaha kusoo laab laabtay magaalada Beledweyne oo sanadkiiba laba jeer ay ka barakacaan kumanaan qoys.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email