Wasiirka amniga Hirshabeelle oo kulan la yeeshay Taliyaha ciidanka AMISOM iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka amniga maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Kheyre ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Danjire Francisco Madeira oo ah Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka AMISOM Jeneraal Ndegeye.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray howlgalada ka dhanka ururka Alshabaab laguna xaqiijinayo amniga deegaanada Hirshabeelle.

Dhanka kale, wasiirka amniga Hirshabeelle, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo General Ndegeye ayaa isla soo hadal qaaday amniga doorashooyinka Hirsahabeelle iyo sidii loo sugi lahaa.

Maamulka Hirshabeelle ayaa galaya marxalad doorasho, maadama lagu jiro marxalada kala guurka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email