Wasaaradda arrimaha gudaha oo shir wadatashi ah maanta ka furtay Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 21-ka Oktober 2020 ka daahfurtay magaalada Muqdusho kulan wadatashi oo ku Saabsan abuurista xarun macluumaad (Resource Centre) arrimaha dhab-u-heshiinta iyo Federaalka.

Kulankaan oo socon doono muddo laba maalmood ah ayaa lagu falanqeyn doonaa sida ugu haboon ee loo unki karo Xarun lagu kaydiyo laguna fidiyo aqoonta , macluumaadka iyo khibradda la xiriirta arrimaha Nabadda, Dhab-u-heshiinta iyo Federaalka.

Kulankaan ayaa sida la sheegay waxaa laga tala gelin doonaa khubarada, ururada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha waayo-aragnimada u leh arimaha nabadda iyo dowladnimada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email