Wasaarada maaliyadda oo golaha Wasiirada u gudbisay miisaaniyadda dowladda ee 2021

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta golaha wasiirada cusub u gudbiyay miisaaniyadda dowladda ee 2021.

Kulan ay yeesheen maanta golaha wasiirada oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa waxaa Wasiir Beyle uu golaha wasiirada la wadaagay faahfaahinta miisaaniyadda dowladda ee 2021 oo hadda diyaarinteedu ay gabo gabo tahay sida uu sheegay Wasiir Beyle.

“Maanta waxa aan Wasiirada Cusub ee xukumadda la wadaagnay faahfaahinta miisaaniyadda dowladda ee 2021 oo hadda diyaarinteedu ay gabo gabo tahay, muhiimadda kulankeenuna waxa uu ahaa sidii aan isaga kaashan laheyn dar-dargalinta iyo sare uqaadidda dakhliga gudaha dalka ayuu yiri.” Wasiirka

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u mahad celiyay Wasiiradii fikir iyo talaba la wadaagay intii uu kulanka socday iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email