Wararkii u dambeeyay ee kulanka dhaqan gelinta xeer nidaamiyaha sharciga shirkadaha dalka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta furay kulan la tashi ah oo Wasaaraddu ay hay’adaha dawladda heer federaal, maamul goballeedyada, ganacsatada, maal gashadayaasha iyo taageerayaasha caalamiga ah ay kala sameynaysay xeer nidaamiyahii lagu dhaqan gelinayey sharciga shirkadaha Soomaaliya oo ay wasaaraddu soo diyaarisay iyada oo la kaashanaysa hay’adda IFC iyo weliba xafiiska sharciyaqaanada ee Muqdisho.

Kulankan oo socon doona muddo hal maalin ah, ayaa ka qabsoomay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyada oo sido kale ay ka soo qeyb galeen agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, la taliyeyaasha Wasaaradda, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada, hay’adaha IFC iyo weliba Sharci yaqaanada Muqdisho Law Office, Waxaana kulanka diiradda lagu saarayey dib u eegis lagu sameynaayey xeer nidaamiyahaasi iyo in ka soo qeyb galayaasha kulankaasi ay talooyinkooda ku biiriyaan haddii ay tahay wax ka beddelid, kaabid iyo ka saarid intaba.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in sharciga shirkadaha iyo xeerkani ay ahmiyad weyn u leeyihiin fududeynta adeega ganacsiga iyo maal gashiga, diiwaan gelinta shirkadaha, xogta ganacsiga, fursadaha maal gashiga iyo wixii la mid ah. waxa kale oo uu sheegay in uu muhiimad u leeyahay xeerinta iyo kala hagidda maamulka shirkadaha ganacsiga, xuquuqda maal gashadaha iyo mulkiilayaasha shirkaddaha ganacsiga, dhiiri gelinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo soo jiidasho maal gashi, shaqo abuur iyo kobcinta dhaqaalaha intaba.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu ka soo-qeyb-galayaashii kulanka uu kula dar daarmay inay sida ugu habboon ay uga talo bixiyaan xeerkaas lagu dhaqan gelinaayo sharciga shirkadaha iyaga oo eegaya sida ay u dhisan yihiin shuruucda iyo xeerarka shirkadaha adduunka si sharcigani u noqdo mid casri ah oo la jaan qaadaya kuwa ka dhisan dunida iyo waliba dhiiri gelinta iyo soo jiidashada ganacsi iyo maal gashi si shirkaduhu u helaan kalsooni ay wadanka ugu aamini karaan hantidooda.

Wasiirku, wuxu ugu dambeyntii u mahad celiyey mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Hay’adda IFC iyo Xafiiska Sharci yaqaanada Muqdisho oo hawsha dedaal xoog leh ku bixiyey siddii ay u midho dhali lahayd sidoo kalena hore uga shaqeeyey diyaarintii iyo dhammeystirkii sharciga shirkadaha oo la ansaxiyey bishii Diisember 2019, waxa kale oo uu u mahad celiyey dhammaan dadkii kala duwanaa ee ka soo qeyb galay kulankaas oo uu u rajeeyey inay talooyin wanaagsan ku soo kordhin doonaan xeerkaasi.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email