Wakiilka qaramada midoowey ee arimaha Soomaaliya James Swan oo gaaray Dhusamareeb+Sawirro

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa goordhaw magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug kusoo dhaweyay wafdi u hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoowey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo ay qeyb ka ahaayeen Wafdiga Wakiilada EU, Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Wafdigaan oo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Galmudug ayaa waxa safarkooda uu daran yahay Arimaha Doorashoyinka, Amaanka iyo Siyaasada

Sidoo kale waxaa safarkooda qayb ka ah in Caasimada Galmudug ee Dhusamareeb laga hergaliyo Xarun weyn oo ay yeelanayaan UN-ka taas oo laga hagi doono howlaha hormarineed ee ay UN-ka ka wadan guud ahaan Galmudug.