Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo ciidamo badan oo lagu arkayo

Sida caadadda ii ahayd abaaro 7:00 am subaxnimo ayaa usoo dhaqaaqay goobteyda shaqo oo in cabaar ah u jirta gurigeyga, balse maan ogeyn in saakay qaar kamid ah wadooyin muhiimka u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha gebigaanka xiran yihiin.

Markii aan soo gaaray halkaan aan ka raaci jiray mooto Bajaajta ayaa dawihii ugu horeeye ee aan u gacan haatiyay ii xaqiijiyay in saakay meel la maro aysan jirin oo ay badi wadooyinka Mogadishu ciidamo lagu daadiyay wallow uusan sababta ii raacin maadama uu aniga igala mid ahaa.

Bulshada caasimada ayaa marmar qaar kusoo jarmaada xirnaashiyaha wadooyinka Mogadishu iyadoona wargelino hordhac ah aysan bixin saraakhiisa ku shaqada leh arimahaan, taasoo ay dhib badan ku qabaan dadweynaha, iyagoona goobahooda Ganacsiga iyo Waxbarashada ku tega Cagtooda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyaga oo taagan, isla markaana diidaya in la maro, waxaana ay u ogal yihiin oo kaliya gaadiidka ay la socdaan Ciidanka iyo Mas’uuliyiinta dowladda.

Isgoysyada xiran ayaa ka mid ah kuwa ku teedsan wadada Maka Al-mukarama sida, Banaadir, Soobe, Taleex, Tarabuunka iyo Waddooyin kale oo muhiim u ah isku socodka gaadiida iyo dadka.

Lama oga sababta loo xiray waddooyinka qaar ee ku yaalla magaalada Muqdisho, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan xirnaasha waddooyinka.

Asxaabta & saaxiibada qaaliga ah ee ku xiran Xorriya.com wixii wararka ah ee kusoo kordha dib ayaa idin kala soo socodsiin doonaa insha allah.