Turkiga oo ku guuleystay in uu helo saanad militeri uu maraykanka u diiday

Dawladda Turkiga ayaa waxa ay bilawday in ay qaab kale u hesho diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka kadib markii uu Maraykanku diiday in laga iibiyo.

Qaabka ay Ankara ku sameysatay diyaaradahan ayaa ah mid lama filaan ah kaddib markii ay ka faa’iideysteen tiknoolojiyad lagu farsameeyay waddanka UK, taasoo ujeeddo kale laga lahaa.

Diyaaradahan uusan duuliyaha saarneyd – oo Turkiga uu ku magacaabay Bayraktar TB2 – waxaa ilaa hadda loo adeegsaday howlgallo waaweyn oo ka dhan ah kooxaha ay Kurdiyiinta hoggaamiyaan ee ka dagaalama Suuriya iyada oo mid kamid ah hawlagaladaasi la sheegey in ay ku dhinteen dad gaadhaya 449 Ruux.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email