Trump oo dalbaday in ciidamada Mareykanka laga soo saarayo Soomaaliya

Madaxweyne Donald Trump wuxuu u sheegay la taliyeyaasha sarsare inuu doonayo inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya sida ay sheegeen dad xog ogaal u ah arinka taasoo u saamaxeysa inuu ka dhabeeyo balanqaadyadii ololaha ee ahaa inuu askarta la keenayo dalkooda inkastoo wadanku wali ku habsaday kooxaha kacdoonka wada ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Pentagon-ka ayaa bilaabay diyaarinta qorshayaasha madaxweynaha, waxaana wadahadalada ku lug lahaa Lataliyaha Amniga Qaranka Robert O’Brien, Xoghayaha Difaaca Mark Esper iyo Gudoomiyaha Wadajirka Shaqaalaha Mark Milley, sida laga soo xigtay dadka oo codsaday in aan la aqoonsan ka wada hadalka doodaha gaarka ah.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga 650 ilaa 800 oo askari, sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika oo ay ku jiraan ciidamo gaar ah oo gacan ka geysanaya tababarka ciidamada Soomaaliya Dhammaan ama ku dhowaad dhammaantood waxaa la diray xilligii Trump uu madaxweynaha ahaa.