Toogasho ka dhacday gudaha suuqa bakaaraha

Askari ka tirsanaa ciidamadda dowladda federaalka Somaaliya ayaa warar soo baxaya sheegayaan in barqanimadii maanta lagu dilay gudaha suuqa bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay qeybta dharka lagu iibiyo ee Suuqa bakaraha waxaana geystay dhalinyaro bastooladdo ku hubeysnaa.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale sheegay in ragga hubeysnaa ay goobta ka baxsadeen,islamarkaana meydka askariga goobta laga qaaday.

Dilka kadib ciidamadda amaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ka sameeyay gudaha Suuqa waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo Ganacsiga.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email