Toogasho iyo qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho

Khasaare nafeed ayaa laga soo sheegayaa degaanka Kaxda kadib toogasho iyo qarax ka dhacay deegaan u dhexeeya degmada Kaxda iyo Ceelasha Biyaha.

Dilka ayaa loo gaystay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay degmada Kaxda, iyo qof kale oo la socday. Labadan qof ayaa la sheegay inay olole tallaal ka waden degaanka markii la toogtay.

Dilkaasi kadib ayaa la sheegay inuu isla goobta ka dhacay qarax baabuur kaasi oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa ka dhashay baabuur la sheegay inay meesha uga tageen dablaydii dilka gaysatay oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya dhimashada dhowr qof kadib qaraxa dhacay.

Xigasho: Voa

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email