Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo galabta furmaya

Tartanka degmooyinka gobalka banaadir ayaa galabta oo jimca ah furmaya, tartankaan ayaa ah mid xiisa badan oo sanadkiiba mar la qabto.

Maanta ayaa la filayaa in uu ka furmo garoonka Eng. Yariisow ee dhaca degmada C/casiiis ee gobalka banaadir, waxaana lagu furayaa labada degmo ee kala ah degmada dharkenley oo difaacaneysa koobkan iyo degmada C/casiis ee gobalka Banaadir.

Tartankaan ayaa ah mid kulmiya taageerayaal badan iyo isdhexgalka bulshada gobalka Banaadir, iyadoona qof walba degmadiisa uu taageero balaaran u muujiyo.

Sanadkaan degmadee u saadaalinee ku guuleysiga tartankaan?

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email