Taliyihii kumaandoosta DANAB oo xilka laga qaaday

Taliyihii guutada 16-aad ee ciidanka kumandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimalik Maalin ayaa xilka laga qaaday, iyadoona loo magacaabay taliye cusub.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa hore shaqo joojin loogu sameeyay waxaana soo baxayay warar sheegayay in arrimo siyaasadeed shaqada looga joojiyay.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Nuur, kaasi oo horay xilal uga soo qabtay Ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email