Taliyaha ciidamada booliska oo xilka ka qaadis ku sameeye qaar kamid ah taliyaasha saldhigyada booliska gobolka Banaadir

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Magacaabay Taliyeyaal Cusub, halka uu kuwo kalana xilka ka qaaday xilkii ay hore u hayeen.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Jeneraal Xijaar ayaa waxaa Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Shibis ee Gobolka Banaadir loogu magacaabay Cabdicasiis Axmed Baashane.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa Gaashaanle Mahad Korow u magacaabay Taliyaha Qaybta Bari.

Wareegtadan taliska booliska kasoo baxday maanta ayaa kusoo aadeysa xilli Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya uu xalay kormeer ku tegay Isgoysyada dhawaan laga qaaday dhagxaantii ay dhibka ku qabeyn bulshada caasimada ku dhaqan, walow uusan isbedel weyn oo la taaban karo uusan weli jirin.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email