Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Xijaar oo xalay Muqdisho ka sameeyay Socdaal u kuurgelid amniga la xiriira

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jereraal Cabdi Xasan Xijaar oo uu wehliyo Taliyaha qaybta guud ee Booliiska Soomaaliyeeed Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed ayaa xalay Muqdisho ka sameeyay Socdaal u kuurgelid arimaha amniga gobolka Banaadir la xiriira.

Saraakiishaan ayaa cagta marisay Degmooyin dhowr ah oo kala ah Howlwadaag, Yaaqshiid, Hiliwaa, Warta nabadda, Hodan kaaraan & Kaxda oo dhamaan baro kontorool ay ku leeyihiin ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Jeneraal Xijaar ayaa askarta ku sugan baraha Kontrool ee lagala socdo dhaq dhaqaaqa Caasimadda waxa uu kula dardaarmay in ay dhowraan anshaxa Ciidanka oo si wanaagsan ula dhaqmaan dadka ay baarayaan.

Saraakiisha Booliiska ayaa dul tagay isgoysyada dhawaan dhagaxaanta laga qaaday waddooyinka Maka Al-Mukarama ee la dhigay isgoyada Warshadaha looga soo gudbo wadada Soddonka.

“Waxa aan kormeernay waddooyinkii dhagaxaanta aan ka qaadnay 5-cishe kahor, sidoo kale waxa aan qiimeyneynay kontoroolada cusub ee duleedka caasimadda dhaca iyo kuwa gudaha Degmooyinka Muqdisho si aan usoo ogaano isbadalka jira, Askarta waa in ay hubiyaan dadka balse waa in aan la dhibin, waana in loo turaa (loo naxariistaa)” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed.

DFS ayaa 13-kii Bishaan ku dhawaaqday in ay qaaday dhagaxaantii horay ay u dhigtay Isgoysyada isku xira Wadnaha & Maka Al-Mukama, inkasta oo aan gaadiidka Dadweynaha ka gudbin, maadaama Ciidamada ku sugan ay dhigteen biro iyaga u gaar ah.

Sidoo kale waxaa xiran jidadka dhanka Xaafadaha ah oo dhagaxaan waaweyn Dowladda Federaalka ay ku jartay, halka meelaha qaar biro ay gelisay si aysan uga gudbin Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.