Soomaaliya iyo Cuba oo ka wada xaajooday xaalada dhaqaatiir u xiran Alshabaab

Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Cuba, Axmed Ciise Cawad iyo Bruno Rodriguez, oo telefoonka kawada hadlay ayaa ka wada xaajooday xaalada dhakhaatiir ay sanad kahor xireen Alshabaab.

Rodriguez oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter ka ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo dowlada Soomaaliya garab istaaga ku aadan in howlwadeenadaas caafimaad ay dib u hantaan xoriyadooda.

Sida laga soo xigtay qoraalkiisa, dhinacyada ayaa sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay wanaajinta cilaaqaadkooda.

“Waxaan telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad. Waxaan bogaadinayaa taageerada iyo

dedaalada dowladiisa ee damaanad-qaadka sidii ay nabad ugu soo laaban lahaayeen dhakhaatiirta. Waxaan adkeynay sii xoojinta xiriirkeena laba geesoodka ah,” ayuu yiri.

Bishii April 12 keeda sanadkii 2019 kii ayaa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez laga afduubtay gobolka waqooyi bari ee gudaha waddanka Kenya.

Sadexda dowladood ayaa daaha gedaashiisa waxay tan iyo xilligaas kawadaan dedaalo ay uga shaqeynayaan soo badbaadinta xubnahaas.

Ururka Alshabaab ayaa lagu eedeeyay in ay Soomaaliya u soo wateen dhakhaatiirta, wallow aysan kasoo saarin fahfaahin rasmi ah.

Bishii April, sanadkan 2020, madaxweynaha Cuba, Miguel Diaz Canel, ayaa u balanqaadey qoyska dhakhaatiirta in ay dib u soo celin doonan wallow uusan carabka ku dhufan goorta iyo hadii rajadooda ay aad u wanaagsan tahay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email