Soomaaliland oo xukuntay fannaanka Qamar Suugaani

Fannaanka Qamar Suugaani ayaa maanta lasoo taagay Maxkamadda ku taala magaalada Berbera ee maamulka Soomaaliland, iyadoo xukun sii heyn ah ku riday fannaanka.

Fannaankan oo loo heysto inuu tegay magaalada Muqdisho ayey maxkamadda Saaxil u jartay 7 maalmood oo Xabsi ku sii hayn ah, waxaana lagu celiyey Xabsiga magaalada Berbera.

Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in fannaaanka Qamar Suugaani uu tegay magaalada Muqdisho, loona heysto arrimo la xiriira safarkiisa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email