Somaliland oo xayiraad cusub kusoo rogtay dadka qaar ee u kala goosha Muqdisho & Hargeysa…

Somaliland ayaa deegaannadeeda ka mamnuucday in dad ka socda Koonfurta Soomaaliya ay shirarka iyo siminaarro kaga qaybgalaan gudaha Somaliland.

Sidoo kale Somaliland waxay mamnuucday in dadkeedu ay shirar iyo siminaarro u tagaan Koonfurta Soomaaliya.

“Dhammaan kulamada, siminaarrada, shirarka iyo kulamo kasta oo dadka u dhashay Koonfurta Soomaaliya lagu keenayo Somaliland lama ogola.” Ayaa lagu yiir warqoraal ah oo kasoo baxay xakuumadda Somaliland.

Qoraalka ayaa lasii daba dhigay “Dhammaan ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland looma ogola inay ka qayb-galaan kulamada lagu qabto Koonfurta Soomaaliya.”

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email