Somaliland oo shuruud adag ku xirtay dadka xilalka ka qabta dowlada federaalka Soomaaliya

War saxaafaded kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in shaqi kasta ee kasoo jeeda degaannada Soomaaliland ee xil ka qabta Dowladda Federaalka uu degaannada maamulkaas ku tegi karo in uu xilka iska casilo iyo in uu ka tanaasulo mowqifkiisa ku aadan midnimada Soomaali weyn.

Warkaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay uu Magaalada Hargeysa ka degay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib iskana casilay xubinimadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.