Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo bandhigay khasaarahii ka dhashay weerarkii lagu qaaday 3 sano ka hor

Siyaasiga mucaaradka ah ee xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigey khasaarihii hantiyeed ee ka dhashay weerarkii lagu qaaday gurigiisa seddex sano ka hor, weerarkaas oo ay ku naf waayeen 6 nin oo ilaaladiisa ahaa.

Sida lagu soo bandhigay Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho waxaa weerarkaasi oo dhacay December 2017 ku baaba’day ama ku luntay hanti iyo agab fara badan oo kala ah sidan soo socota:

Gaari aan xabbadu karin oo oo ku fadhiya $85,000, Apple Mac Computer, Galaxy Mobile, 3 Suud, 4 Surwaal, 7 Shaati, Hugo Boss Perfume [Cadar].

Waxaa kale oo uu xisbigu sheegtay Hard Disk, Laptop Surface pro 4, Iphone 6+, Glaxy 9, $35,000, Baasaboor British, Apple Disktop, 2 Ookiyaale.

Siyaasigan ayaa markasta fagaaraha sheega dhacdadaas, waloow laga xaalay khasaarihii nafeed ee weerarkaa ka dhashay oo magdhow badan laga bixiyey aan isaga marna raalli gelin toos ihi uga imanin dhinaca uu ku haysto weerarkan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email