SIR: Sidee Goodax Barre looga saaray Golaha Wasiirada cusub..? (Heshiiskii Ugaaska & Madaxweynaha)


C/llaahi Goodax Barre – Wasiirkii hore ee Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya- wuxuu ka mid noqday wasiirada xilalkooda waayey ee sida weyn loo saadaalinayey inay dib ugu soo laabteen Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiir Goodax Barre ayaa ka mid ahaa xildhibaanada daacadda u ah ee sida weyn u difaaca dowladda Madaxweyne Farmaajo, taasoo uu muteystay in loo magacaabo xilka Wasiirka Waxbarashada Ogost 2018, kadib markii si fudud xilkaasi looga qaaday Wasiirkii hayey ee C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Xil waayida Wasiir Goodax ayaa dad badan ka yaabisay marka loo eego sida uu daacadda ugu ahaa uguna xirnaa Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo muddooyinkii dambe ay xaalad caafimaad heysatay, kuna sugnaa dalka Turkiga ayaa mar qura uu soo baxay in wasaaradda Beesha awood qeybsiga u lahayd laga dhigo Wasaaradda muhiimka ah ee Arrimaha Gudaha, balse loo magacaabo taliye xigeenkii Booliska Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax.

Sirta la helay ayaa sheegeysa inuu Wasiir C/llaahi Goodax, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ku baxay heshiis dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ugaaska Beeshiisa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wuxuuna Ugaasku la yimid in xilka Wasiirka Beesha loo magacaabo Jen. Mukhtaar, meeshana laga saaro Goodax.

Xiriirka Ugaas Xasan iyo C/llaahi Goodax ayaa ahaa mid liita muddooyinkii ugu danbeeyay, waxaana taas sii xoojisay qorshaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo ee 2020/2021 oo uu doonayo inuu taageero uga helo Odayaasha dhaqanka ee Ugaas Xasan ka mid yahay.

Dadka siyaasada Soomaliya rogroga ayaa arintii wasiir Goodax looga reebay liiskii golaha Wasiirada ku micneeye in uu jiro qorsho kale ay Villa Soomaaliya ku damacsan tahay in rug cadaagan siyaasadeed la rabo xilka Madaxweynaha Hirshabeelle si uu qeyb uga noqda qorshaha soo noqoshada Madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba heshiiska Madaxeynaha iyo Ugaaska ayaa ku wajahan doorashada Federaalka, laakiin waxaa la arki doonaa sida uu wax uga taro xaladda taagan ee dhismaha maamulka Hirshabeelle oo hadda socota iyadoo ay diidan yihiin beesha Ugaaska intooda badan.

Isha: Goobjooge

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email