Shirkadda Huawei oo soo kabatay siina bullaaleysa

Shirkadda telefoonnada sameysa ee laga leeyahay dalka Shiinaha, Huawei ayaa sheegtay inay joogto xilligii ugu fiicnaa ee soo kabashadeeda ayna sii bullaaleyso, inkasta oo uu Mareykanku cunaqabateyn saaray.

Huawei waa mid ka mid ah shirkado dhowr ah oo Shiinaha laga leeyahay, kuwaas oo uu bartilmaameedsaday maamulka Trump, sababo uu ku sheegay dhanka ammaanka dartood.

Shirkaddan ayaa ku mashquulsaneyd soo saaridda telefoonno kahor inta uusan dhaqan gelin cunaqabateyntii ganacsiga ee Mareykanka, bishii September.

Waxay shirkaddu sheegtay in dakhligeeda lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan uu 9.9% ka badnaa, sanadkii hore.

Waxayse shirkaddu xustay inay la kulantay caqabado kale oo dhanka wax soo saarka ah.

Waxay sheegtay Huawei in xanuunka coronavirus uu sidoo kale saameyn ku yeeshay wax soo saarkeeda.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii hore shirkadda Huawei oo fadhigeedu yahay Shenzhen ku dartay liiska madow, waxayna dalalka kale cadaadis ku saartay inay cunaqabateyn saaraan.

Xigasho: Bbc

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email