Shirka wadatashiga mashruuca kasoo kabashada xasaradaha oo ka furmay Muqdisho

Shirkaan wadatshiga oo ay soo qaban qaabiyeen wasaaraddaha qorsheynta Qaranka iyo maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo xoogga lagu saarayo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, fatahaadaha, ayaxa iyo cudurka covid-19, ayaa waxaa uu ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana dowladda Soomaaliya mashruucan ka taageeraya bankiga adduunka.

Mas’uuliyiin ka socday wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Hirshabeele, Agaasimiha guud, agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha ayaa goob joog ka ahaa, waxaana shirkaan wadatashiga uu socondoonaa muddo saddex maalmood.

Wasaaradaha maaliyadda iyo qorsheynta heer federaal waxa ay in muddo ah ka shaqeeynayeen qaabdhismeedka lagu hirgelinayo mashruuca iyo shaqaaleynsiinta howl-wadeenada mashruucan, iyadoona diyaarinta mashruucan lagala tashaday wasaaradaha ay quseeyso heer fedaraal iyo heer dawlad goboleed.

Si kastaba marka laga soo tago mashruucan Muqdisho ka furmay, waxaa jira shuruudo adag oo uu bankiga aduunku ku xiray maalgelinta mashruucan oo ay lagama maarmaan tahay in lafuliyo si loo soo daayo lacagaha.

Waxaana kamid ah diyaarinta dokumeentiga mashruuca, sharciga, heshiiska maalgelinta iyo diyaarinta howlwadeenada laf dhabarka u ah mashruucan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email